Return to Website

Welcome to Qorahay Online Forum Page

ku so dhawaaw qolka fariimaha iyo aqoon wadaaga Qorahay Online. Waxaanu ka codsanaynaa dhamaan dad waynaha so gala halkan in ay ilaaliyaan nadaamka iskana ilaaliyaan wixii cay ah ama cid gaar ah dhib u kenaysa. Waxaan halkan ugu tala galay in ay dadku ku kala faa'iidastaan aqoontooda. Wixii dhibaato wadda waxaan rajaynayna in aan ka saro.

Welcome to Qorahay Online Forum Page
Start a New Topic 
Author
Comment
Gabaygii O.N.L.F loo tiriyay ( Gacal diid)

Gobo-nimoo guul iyo gacal
waa taad jowxooy kala guurteene
Gudoonso midaan kuu marini
waa godo-bahaagiiyo waxaad gashaaye

Garwaaq-sigeed talo iyo garasho
anoonan gooraba kugu ogayn
gabi ahanteede

Oon garan inaad garab jeexi
xig-madahaygaa geestaan u ganahayee

Ha yeeshee guudkii Ogaadeen
guuxii gabi ahaantood gaadhay
iga dhagayso oon gobo ka maansoodey

Xornimo ma godlanoo
inay gudhayna waad moodaye

jabhad garab qabiil galay
ooy gaashaankii wadani
kala gooysay garasho la,aanteed
garoo waakaan jowxo ka howrow
guyaal la aragee

Gabankii soo kacaba wakuwaa
ganahayee guugsan gobolkii
gaaleede

Adaa gooya joowxooy garab
kaad lahayd garasho la,aantaaye
ood gowracdaa geesigaagii
had iyo goore

Inaad gudhaa haadku qaad
ood goosataa godobahagii
gaamuray waa guul iyo ayaane

Gumaca naareed adaa la guda
meerahaya gurigaagiiye
adoo gumaadi gabalkii dhacaba
nimaan geeri kaa kudane

Adoo ganabada ganaca jari
goorahaad gaadi gaalka ka
soo goojiyaay waa taad
daba qoodhi u bixisayee

Guntigaa sirta ku guntan
anoo garan iyo waxaad goobi
oo kuwaad gurayso nagu gooni
iyo gaar ahaayeen

Oon guhaadaad qabtiyo
giirashadaada ogahay

Goortuu dhulkeenan
guumeeystuhu ku galabsaday
ee gayigeenii xabashi gacanta
loo galiyay
ma gar bay noqotay qarnigii
guday wixii gayigena ka galaafmay
inaad galab qudhaa joowxooy
uunka wada agoomayso!!!!

Re: Gabaygii O.N.L.F loo tiriyay ( Gacal diid)

it was nice gabay keep up and continue............. u r nice man

Re: Gabaygii O.N.L.F loo tiriyay ( Gacal diid)

somalida waxaa halkaa dhigay qabyaalad taasoo u diiday inay talaabo qaadaan ama ku guulaystaan ujeedooyinkooda.ma dhici doontaa inaynu mar uun mabda aan qabiil ahayn isku raacno oo cadowga jebino.

Re: Gabaygii O.N.L.F loo tiriyay ( Gacal diid)

War ileen tanookale!!!,Wuxu gabay ka dheer e, waamaxay sheekadan bilaamilixda ahi? Sowkii gabay naxwihii layaqaanay iyo mixnad lahaa!
SHEEKO TOROROGLE OO LOO MEEL WAAYEYDHE!

Re: Gabaygii O.N.L.F loo tiriyay ( Gacal diid)

u lost in da wind.....


kkkkkkkkkk


ogadens r those who smile last.....!!